Video:-Boqor Burhaan oo raaligelin ka dalbaday Faroole

Boqorka iyo Isimadii kaleba,waa dhibsadeen hadalkii Madaxweyne Faroole uu BBC-da siiyay markii uu ka hadlayay dagaalkii Bosaso.

Haldoorka Bulshada Puntland,ayaa qaba in uu Madaxweyne Faroole ka bixiyo raaligelin buuxda hadalkaas.

Hadalka Faroole,ayaa ahaa mid toos loogu weeraray Isimada,isagoona ku tilmaamay in ay iyagu baasiin kusii shubeen xaalada oo go’aankoodii keenay dagaalka.

Madaxweyne Deni,ayaa go’aankaas Isimada dhankiisa soo dhaweeyay sheegayna in uu tixgelinayo oo uu ahaa mid wax lagu badbaadinayay.

Halkan ka daawo Muuqaalka Boqorka