Wararkii u dambeeyay Ee dagaalka labada maalin ka socday Ballanbale

Deegaanka Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo maalmihii u danbeeyey ay ku dirirayaan Malleeshiyo Beeleed iskasoo horjeeda oo halkaasi wada dega,ayaa la soo sheegayaa in saaka xaalku deggan yahay.

Dagaalkan oo socday labadii maalmood ee u danbeeyey, ayaa sida lasoo weriyey ay ku dhinteen dad ka badan dhawr iyo Tobanqof halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa ahaa mid soo noqnoqnayey muddo dheer.

Waxaa inta badan loo tiiriyaa in ay huriyaan marba aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reerraha dagaalamaya iyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.