Wiilasha Deni,Xasan iyo Shido ma waxay ka mudan yahiin kuwa reer Puntland-ta kale?

Maalinkii in 25-kun oo dolar uu Qaadka ka faa’ido Wiilka Madaxweyne Deni dhanka kalana 25000 oo Wiil ay yihiin baagabuundo aan Sadexda wakhti heli karin,waxa kaliya ee uu dheer yahayna ay tahay in uu Deni dhalay, wax laga aamusi karo mahan Maanta!!

Wiilasha Xasan Shire Abgaal ee Turkiga jooga in midkiiba biil ahaan 2000 oo dolar loogu diro ,halka kuwa la midka ah ee reer Puntlandta kale badankood aysanba heli karin 300 oo dolar Bishii,wax laga aamusi karo mahan Maanta!!

Wiilka Maxamuud Shido in uu noqdo kan qaata wax walba oo Mashruuca oo soo baxa oo xataa kuwa kula tartama ee hadana ku baasa Imtixaanada laga hormariyo oo hoos loo dhigo,wax la aamusi karo mahan Maanta!!