Qaramada Midoobay oo shaacisay xog ku saabsan willka Usama Bin Laden

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyay toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Talibaan aysan sameynin wax xaddidaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada shisheeye.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wiilka Usama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahu uu booqday Afgaanistaan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si uu kulan ula yeesho Talibaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Qaacida ay sii wadayso ” istiraatiijiyaddeeda” ka dib markii ay ugu hambalyeysay Taaliban guushii ay gaartay Ogosto 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata “aanay wax u dhimin dadaallada Taaliban ee ay ku dooneyso aqoonsi iyo sharci caalami ah”.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in “warbixinada noocaan oo kale ah, oo aan laheyn wax cadeyn ah, aan laheyn dukumiinti iyo cinwaano, waan diidaynaa, warkaasina ma ahan mid dani ugu jirto Afgaanistaan ​​iyo Caalamka midna.”