Rooble oo hor istaag dadban ku sameeyay Kursiga Fahad Yaasiin utartami lahaa

Xubno ka tirsan guddiga Doorashada heer Fadaraal oo diiday in magacyadooda la shaaciyo,ayaa si hoose usheegay in ra’iisal wasaare Rooble dalbaday in dib loogu dhigo doorashada kursiga uu Fahad rabo in uu utartamo oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Shiikh Cabdiqaadir.

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.

Sidoo kale ma cada sababta Rooble udanaynayo daahinta Kursigaas Fahad lagu xamanayo in uu utartamayo.

Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibaddiisa.

Xiriirka ra’iisal wasaare Maxamed Xuseyn Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii September 2021 uu ka qaaday xilkii taliyaha hay’adda NISA.

Inkastoo uusan si shaac baxsan u sheegin, haddana Fahad,ayaa la rumaysan yahay inuu rabo kursiga HOP 86 ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Sidoo kale Fahad,ayaa xiriir wanaagsan kala dhexeeyaa maamulka ka jira Beledweyne iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseyn.

Arrintan,ayaa kusoo beegmaysa xili Guudlaawe uu tagay Beledweyne,iyadoo ay galbinayaan Ciidan daacad u ah Fahad Yaasiin.