Maxaad kala socotaa Dhaqaalaha Bil walba Imaaraadku ku kabo Miisaaniyada Puntland?

Bil walba Dowlada Imaaraadku waxay ku kabtaa Miisaaniyada Puntland 700-Kun oo dolar.

Lacagtaas waxaa loogu shubaa Puntland Akoon uu masuul ka yahay Xasan Deni oo Imaaraadka ku yaal.

Lacagtu waxay gaartay 20-Milyan oo dolar Sadexdii sano ee udanbeeyay,waxaana dhanka Puntland loosoo qaaday dhawr Milyan oo qura.

Lacag dhan 15-milyan iyo dolar,ayaa Akoonkii hada ku jirta.

Deni oo Dowlada Imaaraadka ka sugayay dhaqaale siyaasadeed oo ay ku taageeran,ayaa loo sheegay in uu isticmaalo Lacagta Akoonkaas ku jirta lana soo kabi doono haday ku filnaan waydo.

Madaxweyne Deni si weyn,ayuu uga carooday arinkaas,waxaase dhaaftay in uu Lacagta ka saaro Dalka markii hore.

15-Milyan oo dolar Puntland waxay udhisi kartaa isbitaal weyn oo casri ah.

Bil walba Puntland,waxaa dibada u aada Caafimaad 30-40-Qof oo midkiiba ugu yaraan ay ku baxdo 15-kun oo dolar.