Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Sacuudiga oo yeelanaya iskaashi dhinacyo badan leh
    Somalia

    Puntland iyo Sacuudiga oo yeelanaya iskaashi dhinacyo badan leh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2019Updated:April 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nairobi,Idil News April, 23, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

    Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

    Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan.

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.


    _DHAMMAAD_

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.