Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»71-qof oo Shacab ah ayaa lagu dilay Duqaynta Maraykanka ee Ciraaq
    Somalia

    71-qof oo Shacab ah ayaa lagu dilay Duqaynta Maraykanka ee Ciraaq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2017Updated:March 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ee Ciraq ee magaalada waqooyi ee Mosul ay tahay musiibo aad u xun, ayna baarayaan tuhunada ku saabsan in duqeymaha isbaheysiga Mareykanka uu hogaaminayo ay ku dhinteen 100 qof oo rayid ah, horaantii bishan.

    Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in dub u eegis horudhac ah ay muujisay in diyaaradaha dagaalka isbaheysiga ay duqeymo ka fuliyeen 17-kii March goob ku dhow halka la sheegay in dadka rayidka lagu dilay ee galbeedka magaalada Mosul.

    Ciidamada Ciraq oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya isbaheysiga ayaa ka shaqeynaya sidii ay u qabsan lahaayeen galbeedka magaalada Mosul, oo kooxda Daacish ay haysato.

    Gen. Joseph Votel, oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray axaddii ku sheegay in ciidamada isbaheysiga ay sii wadi doonaan inay ka fogaadaan waxyeelo soo gaarta shacabka.

    Xog ku saabsan weerarada ciidamada isbaheysiga oo maanta la baahiyey ayaa muujineysa inay toddoba duqeymo oo cusub ay axaddii ka fuliyeen magaalada Mosul.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.