Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Badda Maraykanka oo Gacanta ku dhigay Hub usocday Xuutiyiinta Yemen
    Somalia

    Ciidamada Badda Maraykanka oo Gacanta ku dhigay Hub usocday Xuutiyiinta Yemen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Badda Mareykanka,ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii.

    Waxay ahayd qabashadii ugu dambeysay ee hub la sheegay in uu ku socday dalka ugu saboolsan dunida Carabta, waxaana qabtay ciidamada ilaalada xeebaha ee USS Chinook.

    Timothy Hawkins, oo ah afhayeenka kooxda shanaad ee ciidamada badda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inay qabtay qoryahan oo ahaa nooca Kalashnikov ah oo midmid lagu soo duubay koollo cagaaran.

    Khubarada baarayay sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa markii dambe sheegay in hubkan uu u muuqday qoryaha T-56 ee Shiinaha lagu sameeyo iyo Molot AKS20Us oo Ruushku sameeyay.

    “Markii aynnu qabanay markabka, waxa uu ku socday waddo taariikhiyan loo isticmaali jiray in lagu soo raro shixnadaha sharci darrada ah ee Xuutiyiinta Yemen,” ayuu Hawkins u sheegay Associated Press.

    Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in hubka lagu wareejiyo Xuutiyiinta tan iyo 2014-kii, markaasoo uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.