Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jarmalka iyo Faransiiska oo ulalaynaya in Afrika Kursi joogta ka hesho Golaha Amaanka
    Somalia

    Jarmalka iyo Faransiiska oo ulalaynaya in Afrika Kursi joogta ka hesho Golaha Amaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiradda arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in iyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiisku Catherine Colonna inay ku dareen taageeradooda ku aaddan in Afrikaanku ay kuraas joogto ah ka helaan golaha ammaanka.

    Baerbock ayaa hadalkan jeedisay ka dib markii iyada iyo wasiirka arrimaha debedda ee Faransiisku ay kula kulmeen guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

    “Haddii aanu nahay saaxiibada Yurub iyo anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, waxaanu aragnaa in dunidu ay sannadka 2023 aanay la mid ahayn tii jirtay wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka, sidaa awgeed waxaanu taageernay laba kursi oo rasmi ah oo qaaradda Afrika ay hesho,” ayay tidhi Baerbock.

    Hogaamiyayaasha Afrika ayaa sanado badan ku baaqayay in kursi joogto ah laga siiyo Qaramada Midoobay.

    Guddoomiyaha Midowga Afrika ee xilka ka sii degaya Macky Sall, sidoo kalena ah madaxweynaha Senegal, ayaa ku celiyay dacwadaas shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhacay bishii September.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale ay tahay in Afrika ay kursi ku yeelato kooxda G-20 ee ugu dhaqaalaha badan caalamka.

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa taageeray arrintan intii uu socday shirkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacay dalka Maraykanka.

    Haatan xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban shan dal oo kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Maraykanka iyo Ruushka. Sidoo kale waxaa jira dalal la doorto labadii sanoba hal mar.

    Haddii go’aankan la isku raaco, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee dalalka Afrika la siiyo kursi awood u leh inuu dhiibto codka diidmada qayaxan ama ‘Veto Power’.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.