Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaaraha Dhulgariir ugu xumaa 10-kii Sano udanbeeyay oo isa sii taraysa
    Somalia

    Khasaaraha Dhulgariir ugu xumaa 10-kii Sano udanbeeyay oo isa sii taraysa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 9, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inay jireen dhibaatooyin kala duwani oo la xiriiray dhinaca gurmadka iyo samatabixinta, markii uu dhulgariirku dhacay, taasoo keentay inay dad badani ka caroodeen gaabiska ku yimi gurmadka.

    Erdogan ayaa sheegay, in xaaladda cimilada ee aadka u qaboobi inay ka mid ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee dhibaatadaas keenay, hase ahaatee haatan uu gurmadku u socdo sidii loogu talo galay.

    Dhulgariirka ku dhuftay Turkiga iyo Syria ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee muddo 10 sano ah caalamka laga diiwaangeliyo, waxaana haatan dhimashadu ay maraysaa in ka badan 12,000 oo Qof.

    Dhulgariirkii ugu danbeeyey ee khasaare badan geysta,ayaa ahaa kii ka dhacay dalka Nepal, sannadkii 2015, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 8,800 oo qof, iyo dhulgariirkii kale ee tsunami ee ku dhuftay dalka Japan sannadkii 2011, halkaas oo uu ku dilay illaa 20,000 oo qof.

    Tirada dhimashada ee la xaqiijiyey ee dhinaca Turkiga ayaa maraysa illaa 9,057 oo qof, halka tirada dhimashada ee dhinaca Syria ay marayso ugu yaraan 2,950.

    Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu saameeyey dad gaadhaya 13.5 milyan, oo ku nool dhul baaxaddiisu le’eg tahay 450 KM.

    Illaa 298,000 oo qof ayaa guryo la’aan ku soo dhacay, waxaana la furay 180 xarumood oo hoy u ah dadka uu dhulgariirku barakiciyey.

    Madaxweynaha Turkiga ayaa booqasho ku tegey gobolka Hayat oo ah kan uu khasaaraha ugu badan gaadhsiiyey dhulgariirku, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 3,300 oo qof, waxaana dhulgariirku uu dhulka la simay qaybo badan oo gobolkaas ku yaalla.

    Kooxaha gurmadka qaabilsan ayaa weli ku mashquulsan inay soo badbaadiyaan dadka ku hoos jira dhismayaasha burburay, iyada oo ay sii yaraanayso rajada laga qabo in nolol lagu gaadho dadkaas, maadaama cimiladu ay aad u qabawdahay.

    Waxaa jira cabashooyin badan oo ka soo yeedhaya dadka deegaanka oo ku saabsan in gurmadka samatabixintu uu soo daahay, taasoo masuuliyiinta Syria iyo Turkiguba ay garawsadeen, cabashooyinka ka imanaya deegaanka.

    Danjiraha Syria u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa qirtay inaanay dawladdiisu lahayn awooddii iyo qalabkii ay kula tacaali lahayd dhibaatadan culus ee ka dhalatay dhul gariirka, xilli dalkaas uu ragaadiyey dagaallo sokeeye oo socday muddo ku siman toban sannadood iyo weliba cunaqabataynada ay saareen wadamada galbeedku.

    Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay illaa 10 gobol, isaga oo amar ku siiyey, in ciidamadu ay ka qayb qaataan gurmadka dadka ku barakacay dhulgariirka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.