Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deni oo kusoo hungoobay booqashadii Hoyga Boqorka iyo Isimada Bari
    Somalia

    Deni oo kusoo hungoobay booqashadii Hoyga Boqorka iyo Isimada Bari

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 10, 2023Updated:February 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulankii Deni iyo Isimada Bari ee Saakay,waxuu kusoo idlaaday fashil.

    Ujeedka ugu weyn ee ugu tagey Isimada waxay ahayd in uu dhoolatus udhigo Aaran-shaydaan.

    Isimadu way fahansanaayeen in uusan ugu imaan xurmo iyo wanaag uu uhayo ee ay ka tahay igu sawir ku socota Garowe Ragga uga furtay inqilaabka uusan Dhiigu ku daadan.

    Hadalka isagaa furay,waxuuna uga waramay Isimada xaalka Dalka iyo Dimuqraadiyada,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Garowe ka dhacay.

    Boqor Burhaan,ayaa ugu jawaab celiyay waxa kale hanoo danbeeyaan,waxaan kaa rabnaa in aad fuliso hadeer Labadii Qodob ee kala ahaa..

    B.Qoondadii horumarinta Bosaso ee Dekeda.

    T.Dhaqaalihii loo xukumay Dadkii waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkii Bosaso.

    Intaas markuu Boqorku yiri,ayuu isgalay Deni oo aamusay.

    Kadib Isimadii kale,ayaa soo dhexgalay oo ku yiri bal gaar isku waraysta.

    Xoogaa cabaar ah kadib markay Isimadii kale kusoo laabteen oo ay waxyar wada fadhiyeen,ayuu Boqorku markale ku ceshay Labadii Qodob,waa kaa sugaynaa,sidaas,ayuuna kusoo anba baxay,isagoo caraysan.

    Hadafkiisa ugu weyn,waxuu ahaa in uu umuujiyo Maxamuud Shido in uu haysto garabka reer Barigii horay lookala dilay.

    Deni waa Marxuumka Siyaasada 2023.!!

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.