Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo sheegay in uu dilay darsin Alshabaab ah
    Somalia

    Maraykanka oo sheegay in uu dilay darsin Alshabaab ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICO,ayaa sheegay inay 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska.

    AFRICOM,ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

    Taliska,ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo.

    “Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya Dowladda Somaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.