Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday fadhiga Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday fadhiga Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 4, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan manta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada DPL, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xeerarka goluhu ansixiyey kalfadigii 51-aad, cabasho la xiriirta mushahaarka shaqaalaha & ciidamada Puntand iyo amniga Caamidda Garoowe.

    Dood iyo falaqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen qodobada soo socda:-

    1. In loo yeero Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska , Taliyaha la dagaalka Argagixisada, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, si wax looga weydiiyo Amniga Caasimadda ee Garoowe.

    2. In Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladu xog-dhammaysitran ka keeno cabashooyinka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada ee la xiriira mushaharaadka, Guddiga Joogtada ahna u soo gudbiyo fadhiga soo socda ee 6 Maarso, 2023.

    3. In qoraal loo gudbiyo Madaxtooyada Puntland, kaas oo ku saabsan sababta faafinta rasmi ah loogu soo soo saari waayey labada Xeer ee kala ah Wax-ka-bedelka Xeerka Shaqalaaha Rayidka ah iyo Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland, sida uu qado Qodobka 71-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, xeererkaas oo 01 January, 2023 loo gudbiyey Madaxtooyada Puntland.

    ALLAAH MAHADLEH
    ALLOW DHAWR PUNTLAND🙏

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.