Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin sababaha fashiliyay Socdaalkii Xasan Shiikh Ee Gobolka Gedo?
    Somalia

    Maxay yihiin sababaha fashiliyay Socdaalkii Xasan Shiikh Ee Gobolka Gedo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa fashilmay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh Gobolka Gedo uqorshaysnaa in uu ku tago Arbacadan soo socota.

    Fashilka ku yimid,waxaa sababay Laba Qodob oo kala ah..

    1.Dadka reer Gedo oo ku xiray shuruud oranaysa,”ka jooji ku darsashada Axmed Madoobe ama yaysan aqoonsan Dowlada Fadaraalka’,taasoo Xasan uusan rabin in uu sameeyo,sababtoo ah laftigiisu diyaar uma ah doorasho xor ah oo JL midayn karta in ay dhacdo xiligan.

    2.Itoobiya oo dhankeeda shuruudo ku xirtay,taasoo oranaysa “Hadaad rabto in asn Gobolkan kaala shaqayno nala dumi JL-ta Axmed Madoobe hogaaminayo oo aan kula dhisano mid cusub”taasna Xasan haatan waa ka war wareegayaa oo uma diyaarsana Rag Damjadiid ah oo ka qaybgala JL-ta cusub.

    Reer Gedo?

    Waxay ukala jabeen Sadex fikradood oo kala ah..

    B.Fikrad oranaysa Gobolka aan hoosgayno si toos ah Dowlada Fadaraalka oo Maamul ha usoo dhisto,waxaa qaba aragtidaas Raga Wasiirada ka ah Dowlada Fadaraalka ee Xirsi iyo Doodisho,waxayna quudaraynayaan iyagoo isticmaalaya Shaarka Fadaraalka in ay maamulka iyo Canshuurta Gobolka Gacanta ku dhigaan sidii Kullane Jiis iyo Ina Cali Mire.

    T.Fikrad oranaysa Axmed Madoobe maamulkiisa aan hoosgayno oo aan aqbalno hogaamintiisa joojinana kala qaybsanaanta,aragtidaas,waxaa qaba Dad kooban oo uu horboodayo M.Sayid.

    X.Fikrad oranaysa Gobolka ms hoosgaynayno Xamar iyo Kismaayo toona ee waxaan udhisaynaa Maamul iyo Ciidamo amaan,waxaan sugaynaa inta mudo xileedka xalaasha ah iyo Sanadka Xaaraanta ah ee Axmed ku darsaday ay dhamaanayso kadibna,waxaan qayb ka noqonaynaa doorasho xor ah oo dhacda.

    Aragtida danbe,ayaa xoog badatay una bateen reer Gedo,isla markaana garab ka heshay Dowlada Itoobiya oo saamayn weyn ku leh Gobolka.

    Haatan,waxaa ku sugan Adis-ababa masuuliyiintii ugu muhiimsanayd Gobolkaas…

    1.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore JL Fartaag.
    2.Wasiirkii hore Amniga Jubaland Janan.
    3.Wasiirkii hore Cafimaadka JL Mursal khaliif.
    4.Wasiirkii hore Qorsheynta iyo xariir Caalamiga Jubaland Aadan Aw-Xirsi
    5.Guddomiyaha Gobalka Gedo Canjeex

    Gedo way ka baxday Gacanta Maamulka Axmed Madoobe,wayna geli wayday mida Xasan Shiikh.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.