Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin sababaha fashiliyay Socdaalkii Xasan Shiikh Ee Gobolka Gedo?
    Somalia

    Maxay yihiin sababaha fashiliyay Socdaalkii Xasan Shiikh Ee Gobolka Gedo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa fashilmay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh Gobolka Gedo uqorshaysnaa in uu ku tago Arbacadan soo socota.

    Fashilka ku yimid,waxaa sababay Laba Qodob oo kala ah..

    1.Dadka reer Gedo oo ku xiray shuruud oranaysa,”ka jooji ku darsashada Axmed Madoobe ama yaysan aqoonsan Dowlada Fadaraalka’,taasoo Xasan uusan rabin in uu sameeyo,sababtoo ah laftigiisu diyaar uma ah doorasho xor ah oo JL midayn karta in ay dhacdo xiligan.

    2.Itoobiya oo dhankeeda shuruudo ku xirtay,taasoo oranaysa “Hadaad rabto in asn Gobolkan kaala shaqayno nala dumi JL-ta Axmed Madoobe hogaaminayo oo aan kula dhisano mid cusub”taasna Xasan haatan waa ka war wareegayaa oo uma diyaarsana Rag Damjadiid ah oo ka qaybgala JL-ta cusub.

    Reer Gedo?

    Waxay ukala jabeen Sadex fikradood oo kala ah..

    B.Fikrad oranaysa Gobolka aan hoosgayno si toos ah Dowlada Fadaraalka oo Maamul ha usoo dhisto,waxaa qaba aragtidaas Raga Wasiirada ka ah Dowlada Fadaraalka ee Xirsi iyo Doodisho,waxayna quudaraynayaan iyagoo isticmaalaya Shaarka Fadaraalka in ay maamulka iyo Canshuurta Gobolka Gacanta ku dhigaan sidii Kullane Jiis iyo Ina Cali Mire.

    T.Fikrad oranaysa Axmed Madoobe maamulkiisa aan hoosgayno oo aan aqbalno hogaamintiisa joojinana kala qaybsanaanta,aragtidaas,waxaa qaba Dad kooban oo uu horboodayo M.Sayid.

    X.Fikrad oranaysa Gobolka ms hoosgaynayno Xamar iyo Kismaayo toona ee waxaan udhisaynaa Maamul iyo Ciidamo amaan,waxaan sugaynaa inta mudo xileedka xalaasha ah iyo Sanadka Xaaraanta ah ee Axmed ku darsaday ay dhamaanayso kadibna,waxaan qayb ka noqonaynaa doorasho xor ah oo dhacda.

    Aragtida danbe,ayaa xoog badatay una bateen reer Gedo,isla markaana garab ka heshay Dowlada Itoobiya oo saamayn weyn ku leh Gobolka.

    Haatan,waxaa ku sugan Adis-ababa masuuliyiintii ugu muhiimsanayd Gobolkaas…

    1.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore JL Fartaag.
    2.Wasiirkii hore Amniga Jubaland Janan.
    3.Wasiirkii hore Cafimaadka JL Mursal khaliif.
    4.Wasiirkii hore Qorsheynta iyo xariir Caalamiga Jubaland Aadan Aw-Xirsi
    5.Guddomiyaha Gobalka Gedo Canjeex

    Gedo way ka baxday Gacanta Maamulka Axmed Madoobe,wayna geli wayday mida Xasan Shiikh.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.