Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»TPLF oo laga saaray Liiska argagixisada Ee Itoobiya
    Somalia

    TPLF oo laga saaray Liiska argagixisada Ee Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka.

    “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

    Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka.

    “Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo TPLF,” ayuu yiri baarlamanka.

    TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bil kadib markii dagaalka uu qarxay.

    Intii uu socday dagaal aad u xun, TPLF ayaa mar kusoo dhowaatay inay soo galaan caasimadda Addis-Ababa, hase yeeshee waxaa dib u celiyey ciidamada daacadda u ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

    Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

    Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, waxaa dib u billowday adeegyada aas-aasiga ah qaarkood iyo gargaarka la gaarsiinayo Tigray, oo wajahay cunto yari aad u darran, shidaal iyo dawo la’aan.

    Weli waxaa xaddidan xogta laga heli karo gobolka, waxaana macquul aheyn in si mdax-banaan loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee dhulka.

    Dagaalka ayaa qarxay markii TPLF ay weerareen saldhigyo militari, taasi oo dhalisay weerar weyn oo ay soo qaaday dowladda Abiy oo taageero ka heleysa Eritrea.

    ©AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.