Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad kala socotaa Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Xassan Shiikh?
    Somalia

    Maxaad kala socotaa Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Xassan Shiikh?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh…

    1. Warshada Caanaha waxaa la siiyey Cabdinasir Cali Adoon iyo Faysal Xaaji (Salaam Bank) waxa uu noqday 108 Boos oo midkiiba yahay 20M*15M waxaana midkiba lagu qiimeyay 110-Kun dollar.

    2. Wakaalada Hargaha iyo Saamaha oo horey loo siiyey Xaaf,ayaa laga warejiyay waxaana lagu wareejiyey Saabir Shuuriye, sida qorshuhu yahay waxaa laga dhigi Doonaa Supermarket weyn iyo Suuq (Mall).

    3. Carwadii Taleex waxaa ka soo baxday 340 Boos midkiiba lagu qiimeyey 140 kun,waxaana loo xilsaaray howshaas Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa.

    4.Shiirkoole Ofishaale dadka degan waa laga saarayaa Beeciisa weli lama goynin, waxaase loo xilsaaray Saadaq John.

    5. Warshada Barafuunka waxaa loo xilsaaray inuu iibkiisa soo jaangooyo nin la yiraahdo Xasan Dheere oo ah Gudoomiye kuxigeenka Howlaha ee Gobolka Banaadir.

    6. Warshada Baastada waa la naqshadeeyey,waxaa kasoo baxay 106-Boos 20M* 20M halkii boos waxaa lagu qiimeyey 60-kun dollar.

    7. Wakaalada Xooga Korontada EENEEYO degmada Xamarweyne waxaa hadeer degan Shirkada BECCO waxaa la hor dhigay inay ka guuraan ama gataan Cabir 120M*220M waxaana loo sheegay in qiimaha yahay 4-Million dolar.

    8. Xera Ruush kasoo horjeedka Cisbitaalka Xooga oo Guryaha ku yaala,ay intooda badan ku burbureen dagaaladii sokeeye,ayaa iyaduna Iib ah.

    9. Cisbitaalka Laansaleeti waxaa macquul ah in dhulka cisbitaalka laga iibiyo Bankiga MY BANK.

    10. Garaash Geedoole oo ahay Xaruntii Inji ee keydka Dalaga qeybta Kaaraan,waxaa lagu qiimeeyey lacag Lix Milyan oo dolar ah.

    12. Bangariya KPP waxaa laga iibinayaa HASS Petroleum waxaa socdo wada xaajood.

    13. Xerada Oodweyne waxaa degan dad badan oo shacab ah sidaas awgeed waxaa la tirakoobay tirada boosaska 4,308 Boos, Booskiiba waxa lagu qiimeeyey 28-kun ilaa 30-Kun dollar guud ahaan qiimaha dhulkas waxa lagu qiyaasay 130 million dollar, arinka dhulkan waxa ka taagan xaalad adag wa dhul dad degan yihin oo ay gateen ayna fasaxday dowladii hore ee Xasan Shiikh oo uu wakiil ka ahaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

    Dhammaan dhulalkan iibkooda waxa loo xilsaaray in sharciyadooda dhameeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyadoo Wareegto Madaxweyne lagu fasixi doono.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.