Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo si weyn uga carooday talaabo uu qaaday Faransiiska
    Somalia

    Turkiga oo si weyn uga carooday talaabo uu qaaday Faransiiska

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2023Updated:March 30, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey,ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso.

    Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka.

    Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria.

    Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve Magro, ayna ku celiyeen in Ankara ay xulafadeeda NATO ka fileyso inay ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada,

    Waxay sidoo kale weydiisteen Farnasiiska inaysan taageerin dadaallo la tuhunsan yahay in mintidiinta Kurdish-ka ku doonayaan “inay ku helaan aqoonsi caalami ah,” sida ay sheegtay Anadolu.

    Turkey ayaa labada koox u aragta inay ka tirsan kooxda PKK, oo in ka badan 40 sano Turkey ka waddo dagaal muqaawamo ah, islamarkaana ku jirta liiska argagixisada ee Mareykanka iyo Midowga Yurub.

    Mareykanka iyo dalal kale, ayaa si kastaba, u arka kooxaha Kurdish-ka ee Syria, inay xulufo muhiim ah u yihiin dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna siiyeen taageero, ayaga oo ka careysiiyey Turkey.

    Caradaas ayaa qeyb ka ah sababaha Turkey ay dib ugu dhigeyso xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.