Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay kawada hadleen UNSOS,UNDP iyo Juxaa?
    Somalia

    Maxay kawada hadleen UNSOS,UNDP iyo Juxaa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 14, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta khadka zoomka shir kula qaatay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha caawiya barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin UNSOS iyo Hay’adda UNDP.

    Shirka ayaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 33 Degmo, Fahamka guud ee Doorashooyinka Dadweynaha ee Puntland ka socda, xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay’adda bahwadagta iyo Dowladda Puntland.

    Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka socday Hay’addaha taageera barnaamijka Dimuqraadiyeynta la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

    Sidoo kale, Wasiir Cabdi Faarax ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo waxa uu uga dhiganyahay guud ahaan Soomaaliya iyada oo ay Puntland mudantahay in looga daydo barnaamijka talo ku celinta Dadweynaha ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

     

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.