Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo BC oo kawada hadlay arimaha doorashada
    Somalia

    Puntland iyo BC oo kawada hadlay arimaha doorashada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 20, 2023Updated:May 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 20, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maantay khadka zoomka shir kula yeeshay Safiirada Dalalka Sweden, Denmark, Germany iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

    Shirka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo sii wadista qorshaha hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof ee Degmooyinka, kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.

    Sidoo kale, waxaa si qoto dheer la iskula lafa-guray ilaalinta Amniga Doorashooyinka iyo arrimaha Siyaasadda guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland sidii loogu wadi lahaa hab xasiloon oo ku dhisan nabadgelyo.

    Wasiirka ayaa Safiirada Dalalka Sweden, Denmark iyo Germany la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkeedaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan.

    Dhammaad.

    Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.