Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Qaramada midoobey oo kawada hadlay qabsoomida doorashada Golayaasha Deegaanka
    Somalia

    Puntland iyo Qaramada midoobey oo kawada hadlay qabsoomida doorashada Golayaasha Deegaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 21, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 21, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM) Mr. Guy Griffin.

    Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland.

    Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Dowladda Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.

    Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Dowladda Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    December 2, 2025

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    December 2, 2025

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    December 1, 2025
    Latest Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    ICE to launch operation targeting Somali migrants in Minneapolis

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    Rewards for Justice is offering a reward of up to $3 million for information on Yasin Kilwe

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    Taliska Africom oo war kasoo saaray socdaalkii PL,SL iyo Itoobiya

    Maraykanka oo si weyn ubaadi goobaya Madaxa argagixisada Calamdow

    Kulan xasaasiya oo dhexmaray Safiirka Maraykanka iyo Axmed Madoobe

    Xubin muhiim ah oo ka mid ah argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidamada PL

    AFRICOM Commander makes high-level visits to East Africa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.