Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha caalamka oo si cad utaageertay Dimuqraadiyada PL
    Somalia

    Beesha caalamka oo si cad utaageertay Dimuqraadiyada PL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 22, 2023Updated:May 22, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

    Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

    Saaxiibdu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

    Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.

    *Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

    Halkan ka akhriso:-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    December 2, 2025

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    December 2, 2025

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    December 1, 2025
    Latest Posts

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    ICE to launch operation targeting Somali migrants in Minneapolis

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    Rewards for Justice is offering a reward of up to $3 million for information on Yasin Kilwe

    Trump ma wuxuu khatar ku yahay hogaaminta R.Galbeedka Ee caalamka?

    Taliska Africom oo war kasoo saaray socdaalkii PL,SL iyo Itoobiya

    Maraykanka oo si weyn ubaadi goobaya Madaxa argagixisada Calamdow

    Kulan xasaasiya oo dhexmaray Safiirka Maraykanka iyo Axmed Madoobe

    Xubin muhiim ah oo ka mid ah argagixisada oo isku soo dhiibay Ciidamada PL

    AFRICOM Commander makes high-level visits to East Africa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.