Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Waabaa baryay Bilicsan Maalin Boqran
    Somalia

    Faallo:-Waabaa baryay Bilicsan Maalin Boqran

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 25, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shacabka Puntland,ayaa udareeri doona codeynta doorashada Golayaasha Deeggaanka Puntland xaqiiqdii waa horumar aad loogu farxo dhanka xaqa muwaadinka ayadoo ay wax dooranaya amma la dooranayo, waxayna tusaale & horseed, hurumar u tahay Soomaaliya oo dhan.

    Hubaal waa maalin wayn oo taariikdu xusi doonto iyo waa cusub iyo wado cusub oo ay puntland qaadey Sidookale waa malin farxadeeda leh oo uu shaqeeyay rabitaan shacab ay doorasho goladeegaan oo ay shacabku soo dooranayaan Inka badan 30 degmo.

    Illahay Idankiis waxaan rajaynayaa inay wadadaas qaadi doonaan dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe-ba wadadaas horumarka ah ee 1Q1C guushaas ay puntland gartay waayo putland oo guulaYsataa waa guul soomali dhamaanteen usoo hoyatay.

    Madaxwaynaha dowladda puntlaand Sciid Cabdullaahi Deni aad ayuu ugu mahadsan yahay kamira dhalinta wakhtiga kooban arrimaha doorashooyonka Golayaasha Deegaanka.

    Sidookale,waxaan rajaynayaa in Dowladdu ay xal waara ka gaarto khilaafka shakhsiga ah ee hareeyay Degmooyinka harey ay ayagana dhakhso uga qabsoobto.

    Waxaan aad u bogaadinayaa Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland udhabar adaygidda ay u dhabar adeegeen mar xaladaha adag oo ay uga gudbeen howlkarnmo iyo hufnaan waxaana leeyahay guulaysta jaalayaal taariikhda ayaana idin xusi doonta.

    Sidookale waxaan aad uboogaadinayaa shacab waynaha reer Puntland oo beeniyay xaqiiqdana tusey oo muuiyay in ay ka awood badantahay rabitaanka siyaasiyiinta qowlaysatada ah ee ka horyimid rabitaankooda iyo damaca guracan ee doorasho diidka ah siyaasi kusheegga xambaarsan fikirka labada masuul ee ugu sarreysa dowladda dhexe ayagoo sibareer ah uga soo xorjeestay nidaamka ah in awoodda lagu celiyo dadka Shacabka ah oo ay doortaan Cidda ay rabaan waxaana leeyahay qowlaysataas rabitaanka shabku wuu ka awood badanyahay danta shakhsiga ah ee siyaaiga baahan.

    Shacabka Gobalka Nugaal waxaan leeeyahay beeniya oo guusha raaca oo rabitaankiina ku muuniya waddo nabadoon iskana hor leexiya siyaasiga dhiigmiiratada ah ee madaxa idiinkaha taagan

    Waxaan mahad balaaran iskaleh illaahay Sidookale hay’adaha nabadgalyada dowlada puntland oo suurtagaliy in shacabkaas degmooyinka kalagadisan jooga ay nabad galiyo ku dhiibtaan iyo Shacabka uu u hogaansamay Awaamirta faran ee xaqiijinta iyo kamira dhalinta Arin taan masiiriga ah ee 1Q1C.

    Mahadsanidiin

    Illaahay ayaana mahad iskaleh

    PUNTLAND FRIST
    SOMALIA GUUL

    DOORASHO DIID MAYA MAYA MAYA

    Regards
    Dr Abdifitah Hassan

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.