Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Imaaraadka oo markii ugu horaysay kala fogaaday
    Somalia

    Maraykanka iyo Imaaraadka oo markii ugu horaysay kala fogaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.

    Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.

    Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran.

    “Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

    Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

    Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.

    Bayaanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay, in warbixin uu Talaadadii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo isaga oo soo xiganaya ilo Mareykan iyo Khaliij ah sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen jawaab la’aanta Mareykanka ee qabsashada maraakiibta “ay fasiraad khaldan” ka bixineyso wada-hadallada labada dal.

    Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.