Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka iyo Imaaraadka oo markii ugu horaysay kala fogaaday
    Somalia

    Maraykanka iyo Imaaraadka oo markii ugu horaysay kala fogaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.

    Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.

    Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran.

    “Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

    Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

    Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.

    Bayaanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay, in warbixin uu Talaadadii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo isaga oo soo xiganaya ilo Mareykan iyo Khaliij ah sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen jawaab la’aanta Mareykanka ee qabsashada maraakiibta “ay fasiraad khaldan” ka bixineyso wada-hadallada labada dal.

    Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.