Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu danbeeyay Buulo-mareer oo dhawaan Shabaab weeraray
    Somalia

    Wararkii ugu danbeeyay Buulo-mareer oo dhawaan Shabaab weeraray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2023Updated:May 31, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Buulomareer oo Toddobaadkii hore ay Al Shabaab ku qaadeen weerar saldhig halkaas ku yaal oo ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Afrika ee ATMIS ayey dadku badanaa ka qexeen.

    Sida ay wararku nagusoo gaarayaan, ma jirto cid hadda gacanta ku haysa maamulka magaalada oo ay isaga bexeen ciidamadii halkaas lagu weeraray ee Uganda iyo sidoo kale kuwa Al Shabaab oo la sheegay in iyaga qudhoodu aysan ku sugnayn magaalada.

    Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa labaduba ku sugan deegaanka Golweyn oo qiyaastii 7km u jirta magaalada Buulo Mareer.

    Weerarkaas ayay Al shabaab khasaare badan ku gaarsiiyeen Ciidamadii halkaas ku sugnaa.

    Madaxweynaha Uganda Yuweri Musevani oo ka hadlay weerarka ayaa ku dhaliilay ciidankiisu in ay isku dhex yaaceen taas oo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn maadamaa oo sida uu sheegay ay ka gacan sarreeyeen qolyaha soo weeraray.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.