Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bulshada rayidka ah Ee PL oo ka hor timid Qodobadii kasoo baxay Xamar
    Somalia

    Bulshada rayidka ah Ee PL oo ka hor timid Qodobadii kasoo baxay Xamar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    31daMay,2023- Dallada Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) iyadoo ka duulaysa Qiyamka iyo Mabaadi’da ay ku dhisantahay ee ah maamul-wanaaga iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxay xoojinaysaa mar walba in hannaanka dhismaha dowladnimada soomaaliyeed iyo go’aamada masiiriga ah ay noqdaan kuwa lagu gaaro qaab Wadar-ogol ah oo lagu wada qanacsan yahay.

    Bulshada Rayadka ah ee Puntland waxay u aragtaa go’aamadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) kuwa aan daawo u ahayn khilaafaadka Siyaasiga ah ee dalka ragaadiyey, waxayna sii abuureen dareen ah bulshadu inay ka quusato xal u helida ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan iyo mindimada ummadda soomaaliyeed guud ahaan.

    Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) waxay ahayd inuu ka duulo aragti ku dhisan Danaha guud ee dalka uuna dareen u yeesho duruufta uu dalku marayo iyo caqabadaha ku geedaaman hannaanka dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliyeed.
    Warmurtiyeedka iyo Lifaaqa Golaha Wadatashigu uu soo saaray ayaa u muuqday mid aan loo yeelan dib u milicsi Waayaha iyo heerarka kala duwan uu soo maray dhismaha nidaamaka Federaalka kaas oo la geliyey wakhti, muruq iyo maalba ayna Soomaali oo dhammi qayb ka ahayd.

    Dallada PUNSAA waxay soo dhowaynaysaa hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan in dalka oo dhan uu ka hirgalo iyadoo hadda doorashooyinka Dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland laga qabtay, waxay ka markhaati kacday in lagu qaban karo dalka oo dhan haddii la helo ka go’naanshiyaha hoggaanka dalka, Shuruucda iyo abuurista xaallado ku haboon qabashadeeda.

    Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxay ka digaysaa in lagu xadgudbo Dastuurka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Somalia oo wali u baahan dhamaystir ayna jiraan qodobo badan oo u baahan in laga heshiiyo. Arrrinta kordhinta muddo-xileedka Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada waxay dalka u horseedi kartaa xisilooni la’aan/darro siyaasadeed iyo cirib dambeed aan la mahadin.

    Sidoo kale Labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaranyahay inay gutaan Waajibaadkooda dustuuriga ah ee ilaalinta Dastuurka dalka kana fogaadaan wax walba oo dhaawici kara maqaamka iyo masuuliyadda ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan.

    Haddaba, Dalladda PUNSAA waxay soo jeedinaysaa:
    1- Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waa inay sii wadaan wadahalka iyo xallinta khilaafka siyaasadeed iyadoo la dhaqan gelinayo Dastuurka iyo nidaamka federaaliga ah ee dalka u yaala.
    2- Waxay ugu baaqaysaa labada aqal ee Baarlamaanka in aysan ku degdegin ansixinta wax aan loo dhamayn oo haddana baalmarsan Dastuurka dalka.
    3- Nidaamka Dowladda Soomaaliyeed waa Baarlamaani, in lagu dagdago wax ka badalka nidaamkaas xilligan waxay keeni kartaa cawaaqib xumo iyo dib u dhac ku yimaada geedi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
    4- In si degdeg ah loo bilaabo howlaha dhamaystirka dastuurka lana dardargeliyo wada-xaajoodka qodobada siyaasiga ah si ku dhisan wadar-ogol iyadoo la raacayo qodobada iyo habraacyada Dastuurka ku qoran.
    5- In bulshada Rayidka laga qaybgeliyo wada-xaajoodka go’aamada masiiriga ah goob-joogna ka noqdaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, si madaxda dalku ay u dhagaystaan fariimaha bulshada iyo aragtiyaha ay qabaan.
    6- Dowladda Puntland, sida Dastuurkeeda ku qeexan, waa in ay hormuud ka noqoto dhismaha dowladda Soomaaliyeed hubisaana ka qaybgalka Shirarka iyo Wadahallada looga arrinsanayo masiirka dalka iyo kaalinta Puntland kaga aadan.

    Mahadsanidiin

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.