Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar ka soo saaray xaaladda Laascaanood
    Somalia

    Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar ka soo saaray xaaladda Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar tirsigiisu yahay SC/15313- ka soo saaray dagaalka Laascaanood…

    1- Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, waxayna ugu yeereen ciidanka deegaanka in ay is xakameeyaan oo ka fogaadaan falal hurin kara dagaal iyo hadalada xanafta leh.

    2- GolahA mmaanka ayaa soo dhaweeeyey dadaalada & Hindisaha nabadda ee ay wadaan dawladda faderaalka, Itoobiya & Odayaasha beelaha oo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa, wada hadal rasmi ahna dhinacyad u dhexmari lahaa, waxayna ugu baaqeen dhinacyadu in ay xabad joojin deg deg ah sameeyaan, si wada hadal rasmi ah loo bilaabo, Xaafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la faray in uu garwadeen ka noqdo wada xaajoodyada iyo fududeyntooda.

    3- Golaha Amaanka ayaa sheegay in ay Somaliland ciidankeedu geysteen xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, tan iyo December 2022, sida ay xuseen warbixinada Xaqiiqo raadinta ah ee laga sameeyey Laascaanood (gaar ahana Document S/2023/109- oo cadeynaya baaris la sameeyey).

    4- Golaha Ammaanka waxay si kulul cambaareeyeen beegsiga xarumaha danta guud, shacabka, waxayna ku baaqeen in la joojiyo iska horimaadka ciidanka Somaliland iyo ciidanka beeleedka deeganka.

    4- Golaha Amaanka ayaa xasuusiyey dhammaan dhinacyada in lagu xisaabtami doona dhacdooyinka Laascaanood, iyadoo lagu dhaqmi doono sharciga caalamiga ah oo uu ku jiro sharciga caalamiga ah ee arrimaha Bini’aadantinimada, waxayna soo jeediyeen in lagula xisaabtamo kuwa gaboodfalada iyo falalka ka baxsan xaquuqda Aadanaha geysanaya.

    5- Beesha Caalamka, gaar ahaana Hay’addaha caalamiga ah ayaa lagu booriyey in ay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan dadka barakacay, sidaas oo kale kooxaha ka shaqeeya ka hortaga agabyada qarxa ayaa la faray in ay deg deg uga howlgalaan deegaanadaas, si dadweynaha looga badbaadiyo halista waxyaabaha qarxa ee ay ka tagaan dagaaladu.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.