Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kalfadhiga 52-Aad Baarlamaanka Dowlada Puntland oo furmay
    Somalia

    Kalfadhiga 52-Aad Baarlamaanka Dowlada Puntland oo furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 15, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Juun 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

     

    Furitaanka Kal-fadhiga 50-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee JFS, Maxkamadda sare ee Puntland, Wasiiro, Ururadda Bulshada Rayidka, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.

    Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay 2da Kalfadhi.
    ” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.”

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Nidaamka Doorashooyinka Puntland, Xaaladda Gobolka Sool, waxa uu Guddoomiyaha ku booriyey shacabka iyo Dawladda adkaynta Nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka Puntland, sidoo kalena waxa uu si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, Xeerarka soo saareen Golaha Wada-tashiga Qaranka, Difaaca Gobolka Sool, Weerarkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, Nidaamka Doorashooyinka Goleyaasha degaanka, Weearkii lagu qaaday Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, dhaqaalaha iyo Difaaca Gobolka Sool.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.