Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qodobkii ka doodista Mashruuca DP World oo laga saaray Ajandaha Baarlamaanka
    Somalia

    Qodobkii ka doodista Mashruuca DP World oo laga saaray Ajandaha Baarlamaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 17, 2023Updated:June 17, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ajandaha Kalfadhiga Baarlamaanka PL,waxaa ku jiray Qodob ka hadlayay maalgelinta DP World ee Dekeda Bosaso iyo Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

    Waxay ahayd in laga doodo,kadibna Sharciga la marsiiyo oo la ansixiyo si ay unoqdaan Ummadda hantideeda.

    Nasiibdarro Saacadii ugu danbaysay,waxaa soo farageliyay Madaxtooyada oo codsatay in laga saaro Ajandaha.

    Ujeedka Madaxweynaha waa Laba Qodob oo kala ah..

    1.DP World oo diidan in lala Xisaabtamo oo Miiska lasoo saaro.

    2.Madaxweynaha oo laftigiisu ka baqaya in lala Xisaabtamo oo Mashruucyada Biyaha,Korontada iyo Saamiga Garoonka ee Qoyskiisu qaatay ay noqdaan kuwo Ummada PL leedahay oo banaanka usoo baxa.

    Qodobkan markii lagu soo daray Ajandaha,waxay Bulshadu uqaadatay in Baarlamaanku Wadanka udamqanayo oo waajibkiisa gudanayo,waxaase cadaatay in Gudoomiyuhu wax ku goosanayay.

    $15-kun,ayaa ku baxday in Ajandaha laga saaro Qodobkan.

    Ka saarida Ajandaha Qodobka la xisaabtanka DP World,waxuu ku ahaa Puntland dharbaaxo nidaamkeeda ku dhacay,sababtoo ah,waxaa sugayay oo dalbaday Baanka Aduunka iyo Deeq bixiyayaasha oo idil.

    PL,waxay BC uga kalsoon tahay nidaamkeeda kan Dowlada Fadaraalka ah,waxaana laga filayay koritaan Sharci.

    Madaxweynuhu in uu ku bixiyo Laaluush Qodob muhiim ahaa in laga saaro Ajandaha,waa yax-yax.

    Gudoomiyaha Baarlamaanku in uu soo qaado Lacagta lagu bixinayo Laaluushka oo uqaybiyo Xildhibaanada waa ilhaamo weyn.

    Xildhibaanadu in ay ku qaataan Laaluush Qodob Dalka iyo Dadka muhiim u ah oo waliba ka mid ah arimaha loosoo wakiishay waa jab ku dhacay Sharciga.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.