Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen wax-ka-bedelka Xeerka hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka
    Somalia

    Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen wax-ka-bedelka Xeerka hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 24, 2023Updated:June 24, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: June 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.

    Fadhiga waxaa goob-joog ka ahaa 46 Mudane,

    Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

    Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

    Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaaminta xuquuqda hawl-gabka iyo Liiltirka shaqaalaha Dawladda, xaqsiinta shaqaalaha, ilaalinta dakhliga hawlgabyaasha, naafada iyo qoysaskooda.

    Xeerka ayaa sameyn ku laheyn dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Xukumadda, Xubnaha Garsoorka, Ciidamada qalabka sida, Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha ganacsi ee Dawladda, Bangiyadda Dawladda, shaqaalaha aan joogtada ahayn, qandaraasleyaasha Dawladda, kuwaas oo shaqeeya wakhti xadidan oo aan lagu magacaabin sharciga magacaabidda shaqaalaha Dawladda, Shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha Dawladaha hoose.

    Dooda ayaa soo socotay illaa Kalfadhigii 51-aad, waxaana tallo ku biiriyey Guddiga Culimadda Puntland.

    Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 4 mudane.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladad Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.