Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisaab xirka Miisaaniyada Dowlada PL oo loo qaybiyay Baarlamaanka
    Somalia

    Xisaab xirka Miisaaniyada Dowlada PL oo loo qaybiyay Baarlamaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad.

    Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad fadhigan Golaha waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

    Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. ayaa sheegay in ku talagalka kharashka gudaha ee Miisaaniyadda sannadka 2022 uu ahaa $106,039,035 dollar, halka kharashka dhab ahaan la galay uu noqday $92,825,283.40 dollar taas oo ah inaan la bixin kharash ku talagalkiisu ahaa $13,213,751.60 dollar oo u dhiganta % 12.5

    Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2022 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 July, 2023.

    Baahintii

    Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.