Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA AHUN GEN. CALI NUUR CUMAR .
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA AHUN GEN. CALI NUUR CUMAR .

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 12, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 11 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India .

    Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu AHUN Gen. Cali Nuur u ahaa shakhsi Wakhtigiisa ku bixiyey Dowladnimada iyo u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna Tacsi u diray dhammaan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidanka , gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo Shacabweynaha Puntland.

    “Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India, wuxuu ahaa Sarkaal usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa xiliyo kala duwan, isagoo xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo Puntland, Waa Odey kaalin weyn kasoo qaatay dhismaha Dowladda Puntland gaar ahaan dhinaca Ciidamada isagoo waxbadan ka qabtay Dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland oo uu taliye usoo noqday.

    Wuxuu ku suntunaa mid danta guud, nabadda, amniga iyo horumarka ka shaqeeya, waa Tiir weyn oo ka baxay dhinaca Dowladnimada, Waxaan Tacsi u diraya guud ahaan Goleyaasha Dowladda , Ciidanka qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo shacabweynaha Puntland.

    Alle Waxaan uga baryayaa in uu Marxuumka danbigiisa dhaafo oo janadii geeyo, eheladii , qoyskiisii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna uu Samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.”

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.