Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobay oo war hor leh ka soo saartay AIDS-ka
    Somalia

    Qaramada Midoobay oo war hor leh ka soo saartay AIDS-ka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka 2030-ka dunida laga ciribtiri doono AIDS-ka.

    Warbixinta,ayaa sidookale lagu xusay in si hadafkan loo gaaro ay ku xiran tahay barnaamijyada lagula dagaallamayo cudurka oo si buuxda loo maalgeliyo.

    Dalalka Saxaraha ka hooseeya, oo 65% dadka qaba fayraska difaaca jidhka bini’aadamka (HIV) ee sababi kara AIDS-ka ay ku nool yihiin, ayaa horumar weyn ka samaynaya ciribtirka cudurka.

    Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah; Botswana, Eswatini, Rwanda, Tanzania iyo Zimbabwe oo durba gaaray bartilmaameedka “95-95-95”, sida ay sheegtay UNAIDS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka.

    Tani ayay macnaheedu tahay in 95% dadka la nool HIV ay ogyihiin xaaladooda HIV, 95% dadka garanaya xaaladooda waxay helayaan daawaynta kaalmaatig ah ee antiretroviral, iyo 95% dadka qaatay daawooyinka waxay xakameeyeen fayraska, taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la isu gudbiyo.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.