Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda
    Somalia

    Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 16, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa Golaha Madaxbanaanida ee Sudan ayaa diiday in la geeyo wadankaasi wax ciidan ah oo ka socda Wadamada Africa, iyadoo halkaa ay mudo Sadex Bilood ah ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya Ciidamada iyo xoogag ka soo horjeeda oo loollanka adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen awooda dalkaasi.

    Sida laga soo xigtay warbixinnada rasmiga ah ee warbaahinta, General Abdel Fattah Al-Burhan ma uusan aqbalin tallaabada lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika (ISAF) taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Suudaan ee dhulkeeda.

    In ciidankaas la diro toddobaad ka hor ayaa lagusoo soo jeediyay shir ay yeesheen urur goboleedka “IGAD” si ay u difaacaan dadka rayidka ah ee ay dagaalladu saameeyeen.

    Wakaalladda Wararka Sudan ee (SUNA),ayaa sheegtay in Taliyaha Ciiddanka Sudan, C/fataax Al-Burhaan, uu wicitaan ka helay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, balse ma uusan soo dhaweyn qorshaha IGAD, wuxuuna ku war-geliyay inuu kasoo horjeedo arrintaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dhici Karin in ciidamo loo diro iyada oo aan ogolaansho laga haysan xukuumadda Khartoum.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.