Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda
    Somalia

    Al-Burhaan oo diiday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Suudaan iyada oo aan oggolaansho laga heysan xukuumadda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 16, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa Golaha Madaxbanaanida ee Sudan ayaa diiday in la geeyo wadankaasi wax ciidan ah oo ka socda Wadamada Africa, iyadoo halkaa ay mudo Sadex Bilood ah ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya Ciidamada iyo xoogag ka soo horjeeda oo loollanka adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen awooda dalkaasi.

    Sida laga soo xigtay warbixinnada rasmiga ah ee warbaahinta, General Abdel Fattah Al-Burhan ma uusan aqbalin tallaabada lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika (ISAF) taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Suudaan ee dhulkeeda.

    In ciidankaas la diro toddobaad ka hor ayaa lagusoo soo jeediyay shir ay yeesheen urur goboleedka “IGAD” si ay u difaacaan dadka rayidka ah ee ay dagaalladu saameeyeen.

    Wakaalladda Wararka Sudan ee (SUNA),ayaa sheegtay in Taliyaha Ciiddanka Sudan, C/fataax Al-Burhaan, uu wicitaan ka helay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, balse ma uusan soo dhaweyn qorshaha IGAD, wuxuuna ku war-geliyay inuu kasoo horjeedo arrintaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dhici Karin in ciidamo loo diro iyada oo aan ogolaansho laga haysan xukuumadda Khartoum.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.