Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maku haboon tahay Ciidamada Atmis xiligan in laga saaro Somaliya?
    Somalia

    Maku haboon tahay Ciidamada Atmis xiligan in laga saaro Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 17, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bixitaanka la qorsheeyay ee Ciidamada Atmis,waxay fursad unoqonaysaa argagixisada.

    Qiimayntii ugu danbaysay ee la sameeyay,waxaa lagu ogaaday in ay argagixisadu la wareegi karto Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Magaalooyinka ku yaal marka laga reebo Beledweyne.

    Maxaa dhacay?

    Mabdi’iyan in Ciidamada Atmis baxaan,waa umuhiim Dalka,sababtoo ah,waxay hor taagan yihiin Dhismihii Ciidanka Qaranka.

    Dhaqaalihii,tababaradii iyo Qalabkii Ciidanka Somalidu heli lahaayeen,waxaa qaata Atmis.

    Balse Hal Qodob oo ay Dowladu khaladay,ayaa dhibka keenay,kaasoo ah in aysan jirin Siyaasad amni Qaran oo hawlgalka ka horraysay.

    Waxay ahayd in Dowlada Dhexe iyo DG isku yimaadaan,iyagoo midaysan,kadibna ay wada sameeyaan Siyaasad amni.

    Waxaase dhacday in Dowladii Dhexe qorshe la’aan duushay,iyadoo ku hawlgashay Maleeshiyaad Hal Beel ubadan oo aan haysan Qalab iyo tababar ku filan.

    Atmis intaan la saarin,waa in lasameeyaa Siyaasad Amni Qaran oo dhasha Ciidan Qaran oo laga wada qoro Dalka,isla markaana tababarkoodu kawada bilowdo 54-Aad ilaa Kismaayo.

    Maleeshiyaad Beeleedka Dowladu hada haysato kuma filna la wareegida Saldhigyada Ciidamada Atmis ka baxayaan oo waxaa lagu heshiiyay Halkii Askari oo Atmis ah in ay badali karaan 3-kuwa Somalida ah,taasoo ka dhigan 20-ka kun Atmis ee jooga 50% Wadanka in ay buuxin karaan booskooda 60-kun oo Askar Somali ah.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.