Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Erdogan iyo MBS oo kala saxiixday heshiis
    Somalia

    Video:-Erdogan iyo MBS oo kala saxiixday heshiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka Lacagta iyo Sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda.

    Shirkad Turkish ah,ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada.

    Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA).

    Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.”

    Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin.

    Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey.

    Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo Talaadada maanta ah uu tego dalka Qatar.

    Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tiri SPA.

    Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo quseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yiri warbixinta.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.