Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MadaxweyneTrump oo ay ubadan tahay in la xiro
    Somalia

    MadaxweyneTrump oo ay ubadan tahay in la xiro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

    Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.

    Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.

    Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

    “Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad… uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6,” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

    Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida “taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd.”

    “Ugaarsigan wuxuu ku saabsan yahay farogelinta doorashada iyo in sharci fulinta loo adeegsado hub siyaasadeed ahaan,” ayuu yiri. “Waxay qarankeennu u tahay xilli madow iyo murugo.”

    Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Talaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

    “Waaxda Cadaaladda waxay noqotay hubka Dimoqraadiyiinta,” ayuu yiri. “Waxay rabaan inay isku dayaan, oo ay hoos u dhigaan, oo ay wiiqaan, oo ay cabsi geliyaan dadka.”

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.