Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay Sarkaal sare oo Daacish ka tirsan
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Maraykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay Sarkaal sare oo Daacish ka tirsan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacishta Somaaliya.

    Cabdiweli Maxamed Yuusuf,ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay.

    “Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

    Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

    Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo Gobolka.”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.