Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxii Askarta Inqilaabtay Niger oo isku magacaabay hogaamiyaha Wadankaas
    Somalia

    Madaxii Askarta Inqilaabtay Niger oo isku magacaabay hogaamiyaha Wadankaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2023Updated:July 28, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jen Cabdourahmane Tchiani,ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger kadib afgambi yaab leh oo dalkaasi ka dhacay.

    Sidoo kale waxaa loo yaqaan Omar Tchiani, waxa uu sameeyay la wareegis billaabatay Arbacadii markii ciidamada ilaalada madaxtooyada ee uu hoggaaminayay ay qabteen hoggaamiyaha dalka.

    Tani waxay burburisay dimuqraaddii Niger tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.

    Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa loo malaynayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana weli gacanta ku haya ilaaladiisa gaarka ah.

    Inqilaabka ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Afrika, urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaanoEcowas, EU iyo UN.

    Gen Tchiani oo 62 jir ah ayaa xilka ilaalada madaxtooyada hayay tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana sanadkii 2018 loo dallacsiiyay darajada guud ee janaraal.

    Isagoo ka hadlayay khudbad telefishan laga sii daayay, ayuu Gen Tchiani sheegay in dowladdiisa ay la wareegtay sababo la xiriira dhibaatooyin dhowr ah oo ka dhacay Niger, oo ay ku jiraan amni-darro, dhaqaale xumo iyo musuqmaasuq iyo arrimo kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.