Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maleeshiyada Amxaarada iyo Milleteriga Itoobiya oo dagaal ka dhex qarxay markale
    epa000454054 Ethiopian special forces soldiers patrol the streets of Addis Ababa, Friday 10 June 2005. Most shops were shuttered and taxis were again on strike for the third day in a row while families collected the dead for burial following riots over election results and government warnings that any more civil unrest would be dealt with sternly. EPA/STEPHEN MORRISON
    Somalia

    Maleeshiyada Amxaarada iyo Milleteriga Itoobiya oo dagaal ka dhex qarxay markale

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen,ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka.

    Go’aanka dowladda ay bishii April ku gaartay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo rabshado leh ka dhaliyey gobolka Amxaara.

    Dadka u dhashay gobolka ayaa ku dooday in tallaabadaas ay wiiqeyso gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya.

    Arbacadii tagtay, ra’iisul wasaare ku-xigeen Demeke ayaa sheegay “in dhibaatooyinka amni ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ay noqonayaan kuwo walaac leh.”

    “Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook, isaga oo aan sheegin dhinacyada ku lugta leh iska hor-imaadyada.

    Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha.

    “Waxaan qaadi doonnaa tallaabo ka dhan ah kuwa si walba u weeraray ciidankeenna ama fududeeyay weerarka lagu soo qaaday ciidankeenna,” ayuu yiri, isagoo cambaareeyay dagaalyahannada “ku ganacsada magaca ciidan kasta” oo ay ku jirto Fano.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan qaybo ka mid ah gobolka Amxaara, iyagoo u sababeeyay “Rabshadaha sii kordhaya ee Fano ay kula wareegayso goobahaas”.

    “Waxaa u dambeeyey garoonka Lalibela oo ay la wareegtay maleeshiyada Fano,” ayay tiri, iyadoo tixraaceysa magaaladan dalxiis, oo ay ku yaallaan kaniisado jiray illaa qarnigii 12-aad iyo 13-aad, islamarkaana ku jira liiska goobaha Dhaxalka Adduunka ah ee UNESCO.

    Warbaahinta Itoobiya wax dhacdo ah kama soo werin Lalibela, balse safaaradda Spain ee Addis Ababa ayaa Talaadadii sidoo kale muwaadiniinteeda ku boorisay in aanay u safrin gobolka Amxaara, iyada oo sabab uga dhigaysa “xasillooni darada” ka jirta gobolka.

    Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, ilaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada.

    Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacan ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga.

    Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii April sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamada goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.