Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay xaalada Gobolka Amxaarada Ee Itoobiya?
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay xaalada Gobolka Amxaarada Ee Itoobiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaa ku eedeeyey maleeshiyada gobolka Amxaara inay isku dayayaan inay afgmabiyaan dowladda federaalka iyo tan gobolka, kadib maalmo ay socdeen dagaallo keenay in dowladda ay ku dhowaaqdo xaalad deg deg ah.

    Dagaallada u dhaxeeya maleeshiyada Fano iyo ciidamada qaranka ayaa sii socday dhammaadkii toddobaadka.

    Dadka degan Gondar, magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Amxaara, ayaa sheegay in hub culus oo billowday Axaddii ay dhacayeen illaa subaxnimadii Isniinta.

    Dagaalka ayaa durba noqday xaaladda amni ee ugu darran Itoobiya tan iyo markii dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray, oo deris la ah gobolka Amxaara, uu dhammaaday bishii November.

    Temesgen Tiruneh, oo ah agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Itoobiya, kaasi oo loo xil-saaray inuu la socdo fulinta xaaladda deg-degga ah, ayaa qiray in maleeshiyada ay qabsadeen magaalooyinka iyo degmooyinka qaar.

    “Xoogagga tuugada ah waxay ku hawlan yihiin hadaf iyo ujeedo ay ku doonayaan inay ku afgambiyaan dowladda gobolka, kadibna ay ugu gudbaan nidaamka federaalka,” ayuu Temesgen ku yiri hadal ay Axaddii baahisay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting.

    Afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa Sabtidii sheegay in mas’uuliyiinta ay billaabeen inay xiraan qaar ka mid ah kuwa ka dambeeyey xasillooni-darrada.

    Kooxda Fano ayaa ah maleeshiyo dagaal-yahanno ka qorata qowmiyadda deegaanka, taasi oo ciidamada qaranka ee ENDF xulufo kula aheyd dagaalkii gobolka Tigray.

    Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii mas’uuliyiinta dowladda ay billaabeen inay wiiqaan kooxaha sida militariga u tababaran ee gobollada. Qaar ka mid ah dadka u dhaqaaqa ayaa sheegay in tani ay Amxaarada u baylaheyso weerarro kaga yimaada gobollada deriska ah.

    Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka dillaacay guud ahaan gobolka Axmaara bishii April kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu amray in la kala diro ciidamada ammaanka ee 11-ka gobol ee Itoobiya, laguna daro booliska ama militariga qaranka.

    Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay isku dayayso inay wiiqdo ammaanka Amxaarada. Xukuumadu way beenisay arrintaas, waxayna sheegtay in tallaabadaas loo baahnaa in la qaado si loo xaqiijiyo midnimada qaranka.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.