Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Maamulka Cadaado oo taageeray mawqifka Madaxweyne Xaaf
    Somalia

    Golaha Wasiirada Maamulka Cadaado oo taageeray mawqifka Madaxweyne Xaaf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shir deg-deg ah oo ay manta 26/09/2017 isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmad Ducaale Geele Xaaf, ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado.

    Shirkan ayaa looga hadlayay arrimahan:

    – Go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay khilaafka Dowladaha Khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan Dowladaha Sucuudiga iyo Emaratka.

    – Amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan ka Caasimadda ku meel-gaarka ah ee Cadaado.
    – Dardar gelinta howlaha horyaala Golaha Wasiirada.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa warbixin dheer ka siiyay Golaha Wasiirada go’aankii uu ka qaatay khilaafka dowladaha khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga dowladaha Sacuudiga, Emaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn, isagoo xusay in uu taageeray halka ay ku jirto danta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka Galmudug, isagoo is bar bar dhigay waxtarka ay noo kala leeyihiin wadamada aan kor ku soo sheegnay iyo dowladda Qadar.

    Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay sida ay muhiim u tahay sugidda amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan amniga Cadaado iyo in Golaha wasiiradu dar-dar geliyaan howlaha u yaala.

    Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug, waxay isla garteen qodobadan:

    1- In Golaha Wasiirada Galmud ay taageraan Go’aanka Madaxweynaha Galmudug ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan dowladaha Sacuudiga iyo Emaratka, waxayna goluhu codeyn gacantaag ah ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah go’aanka madaxweynaha.

    2- Goluhu waxay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in amniga ay adkeeyaan hay’adaha aminigu, kana hortagaan dhaq-dhaqaaq kasta oo khatar ku ah amniga.

    3- In laga howlgalo sidii loo gaarsiin lahaa deeqaha gar-gaarka ee yaala dadka tabaalaysan ee abaaruhu waxyeeleeyeen.

    Dhamaad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.