Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran iyo Sacuudiga oo si rasmi ah Safaarado ukala furtay
    Somalia

    Iran iyo Sacuudiga oo si rasmi ah Safaarado ukala furtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 6, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go’naa toddoba sano.

    Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China oo lagu dhowaaqay bishii Maarso.

    Riyadh iyo Tehran ayaa xiriirka kala goostay 2016 kadib markii xarumaha diblomaasi ee Sacuudi Carabiya ay ku laheyd Iran ay weerareen dibad-baxayaal ka careysan dilka Riyadh ee wadaad shiico ahaa Nimr al-Nimr.

    Hoggaanka Sacuudi Carabiya wuxuu aqoonsan yahay “muhiimadda xoojinta xiriirka, kordhinta la-macaamilka… iyo in xiriirka la gaarsiiyo heer ballaaran,” waxaa sidaas yiri danjire Abdullah Alanazi markii uu Tehran gaaray si uu u billaabo shaqadiisa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

    Sidoo kale Talaadadii, Safiirka Iran u fadhiya Sacuudi Carabiya, Alireza Enayati, ayaa gaaray caasimadda Riyadh, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo shaqaalaha safaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

    Alanazi ayaa horay u ahaa safiirka Sacuudiga ee Cumaan, halka Enyati uu ahaa ergayga Iran ee Kuwait.

    Safaaradda Sacuudiga ee Tehran ayaa dib u shaqo billowday bishii hore. Bishii June, Iran waxay dib u furista safaaraddeeda Riyadh ku xustay iyada oo sameysay xaflad calan saar ah.

    Bishii hore, diblomaasiga ugu sarreeya Iran, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa xoojiyey midnimada iyo wada-hadallada intii lagu guda jiray booqashadiisi ugu horreysay ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii lagu dhawaaqay isu soo dhowaanshaha lama filaanka ah, isagoo sheegay in xiriirka laba geesoodka ah uu “ku socdo jihada saxda ah”.

    Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala taageerayey dhinacyada iska soo horjeeda ee goobaha ay dagaallada ka socdaan ee Bariga Dhexe muddo sanado ah.

    Tan iyo heshiiskii bishii Maarso, Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celisay xiriirkii ay la lahayd Suuriya oo xulufo la ah Iran, waxayna xoojisay dadaallada nabadda ee Yemen, halkaas oo ay sannado badan hoggaaminaysay isbahaysi milateri oo ka dhan ah xoogagga Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.