Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii udanbeeyay Ee khasaaraha Dhulgariirka Moroco
    Somalia

    Wararkii udanbeeyay Ee khasaaraha Dhulgariirka Moroco

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhimashada dhul-gariirkii waddanka Morocco ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo Qof, kaas oo sidoo kale burburiyay tuulooyin, waxaana uu ahaa dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa in ka badan 60-sano.

    Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii Morocco,ayaa hal habeen isku urursaday meel bannaan ah oo ku taal buuraha Atlas Sabtidii, iyada oo Magaalada qadiimka ah ee Marrakech uu sidoo kale burbur weyn soo gaaray.

    Wasaaradda arrimaha gudaha,ayaa sheegtay in 2,012 qof ay dhinteen, 2,059 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo xaaladoodu liidato.

    Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka,ayaa sheegtay in dhulgariir uu cabirkiisu dhan yahay 6.8 uu ku dhuftay meel 72 km (45 mayl) koonfur galbeed kaga beegan magaalada Marrakech.

    Ku dhawaad dhamaan Guryihii ku yaalay Deegaanka Asni oo 40 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Marrakech,ayaa burbur soo gaaray, waxaana dadka Tuulada ay isku diyaarinayeen in ay ku hoydaan banaanka.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.