Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ku salaysan tahay xiisada ka dhex qaraxday Canada iyo Hindiya?
    Somalia

    Maxay ku salaysan tahay xiisada ka dhex qaraxday Canada iyo Hindiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 19, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Canada ayaa Isniintii ku eedeysay dowladda India inay ku lug leedahay dilka hoggaamiye Canadian ah oo kasoo jeeda bulshada Sikh, kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Vancouver, bishii June.

    Eedeyntan ayaa dhalisay in labad dal ay isugu jawaabaan diblomaasiyiin la eryey kadib markii New Delhi ay eedeyntaas diiday kuna tilmaamtay “doqonimo.”

    Eedeymaha ayaa sii xumeeyey xiriirka markii hore liitay ee Ottawa iye New Delhi oo hadda gaaray heer cusub oo hoose.

    Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa u sheegay kulan deg deg ah oo baarlamanka uu yeeshay in dowladdiisa ay hayso “xog la isku haleyn karo” oo wakiilo Indian ah la xiriirinaya dilka Hardeep Singh Nijjar, oo ahaa hoggaamiye Sikh dibad-joog ah, kaasi oo ka dhacay gobolka British Columbia

    “Ku lug lahaanshaha dowlad kasta ee dilka muwaadin Canadian ah oo ka dhaca ciidda Canada waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey madax-bannaanideena,” ayuu yiri Trudeau.

    Wuxuu ugu baaqay dowladda India “in habka ugu xooggan ee ugu macquulsan” ay ugala shaqeyso xal u helidda arrintan.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Melanie Joly ayaa sheegtay in xukuumadda Trudeau ay qaaday tallaabo deg deg ah.

    “Maanta waxa aynu Canada ka cayrinay diblomaasi sare oo Indian ah,” ayey tiri ayada oo aan magacaabin sarkaalka.

    Jolie ayaa sheegtay in sarkaalka la eryey uu yahay madaxa Garabka Cilmi-baarista iyo Taxliilinta ee sirdoonka India ee Canada.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda India ayaa Talaadadii diiday ku lug lahaanshaha dhimashada Nijjar, waxayna sheegtay inay ku amartay diblomaasi sare oo Canadian ah oo aan la magacaabin inuu dalka uga baxo shan maalmood gudahood.

    “Eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha dowladda India ee ficil kasta oo rabshadeed oo gudaha Canada ah waa nacasnimo,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri bayaan, ayada oo intaas ku dartay “waxaan nahay nidaam dimoqraadi ah, oo ay si xooggan uga go’an tahay ku dhaqanka sharciga.”

    Waxay sheegtay in Trudeau — oo bishan booqday New Delhi si uu uga qeyb-galo shir madaxeedka G20 — uu eedeymo kuwan la mid ah la wadaagay dhiggiisa Narendra Modi, islamarkaana “si buuxda loogu gacan sayray.”

    Go’aanka wasaaraddu ku cayrisay diblamaasi Canadian ah waxa uu ka tarjumayaa “walaaca sii kordhaya ee ku aaddan farogelinta diblamaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha iyo ku lug lahaanshaha dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah India,” ayey raacisay.

    Nijjar, oo India ay ku calaameysay argagixiso la baadi-goobayo, ayaa 18-kii June lagu dilay Surrey, oo ah xaafad ku taalla duleedka Vancouver, oo hoy u ah bulsho ballaaran oo Sikh ah.

    Canada waa dalka ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Sikh ah ee caalamka ka baxsan India.

    Nijjar ayaa u ololeeyey in la sameeyo dal madax-banaan oo Sikh ah, oo laga abuurayo qaybo ka mid ah waqooyiga India iyo xitaa qayb ka mid ah Pakistan.

    New Delhi ayaa ku eedeysay Nijjar inuu weeraro argagixiso ka fuliyey India, eedeyntaas oo uu beeniyey.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.