Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ku salaysan tahay xiisada ka dhex qaraxday Canada iyo Hindiya?
    Somalia

    Maxay ku salaysan tahay xiisada ka dhex qaraxday Canada iyo Hindiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 19, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Canada ayaa Isniintii ku eedeysay dowladda India inay ku lug leedahay dilka hoggaamiye Canadian ah oo kasoo jeeda bulshada Sikh, kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Vancouver, bishii June.

    Eedeyntan ayaa dhalisay in labad dal ay isugu jawaabaan diblomaasiyiin la eryey kadib markii New Delhi ay eedeyntaas diiday kuna tilmaamtay “doqonimo.”

    Eedeymaha ayaa sii xumeeyey xiriirka markii hore liitay ee Ottawa iye New Delhi oo hadda gaaray heer cusub oo hoose.

    Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa u sheegay kulan deg deg ah oo baarlamanka uu yeeshay in dowladdiisa ay hayso “xog la isku haleyn karo” oo wakiilo Indian ah la xiriirinaya dilka Hardeep Singh Nijjar, oo ahaa hoggaamiye Sikh dibad-joog ah, kaasi oo ka dhacay gobolka British Columbia

    “Ku lug lahaanshaha dowlad kasta ee dilka muwaadin Canadian ah oo ka dhaca ciidda Canada waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey madax-bannaanideena,” ayuu yiri Trudeau.

    Wuxuu ugu baaqay dowladda India “in habka ugu xooggan ee ugu macquulsan” ay ugala shaqeyso xal u helidda arrintan.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Melanie Joly ayaa sheegtay in xukuumadda Trudeau ay qaaday tallaabo deg deg ah.

    “Maanta waxa aynu Canada ka cayrinay diblomaasi sare oo Indian ah,” ayey tiri ayada oo aan magacaabin sarkaalka.

    Jolie ayaa sheegtay in sarkaalka la eryey uu yahay madaxa Garabka Cilmi-baarista iyo Taxliilinta ee sirdoonka India ee Canada.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda India ayaa Talaadadii diiday ku lug lahaanshaha dhimashada Nijjar, waxayna sheegtay inay ku amartay diblomaasi sare oo Canadian ah oo aan la magacaabin inuu dalka uga baxo shan maalmood gudahood.

    “Eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha dowladda India ee ficil kasta oo rabshadeed oo gudaha Canada ah waa nacasnimo,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri bayaan, ayada oo intaas ku dartay “waxaan nahay nidaam dimoqraadi ah, oo ay si xooggan uga go’an tahay ku dhaqanka sharciga.”

    Waxay sheegtay in Trudeau — oo bishan booqday New Delhi si uu uga qeyb-galo shir madaxeedka G20 — uu eedeymo kuwan la mid ah la wadaagay dhiggiisa Narendra Modi, islamarkaana “si buuxda loogu gacan sayray.”

    Go’aanka wasaaraddu ku cayrisay diblamaasi Canadian ah waxa uu ka tarjumayaa “walaaca sii kordhaya ee ku aaddan farogelinta diblamaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha iyo ku lug lahaanshaha dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah India,” ayey raacisay.

    Nijjar, oo India ay ku calaameysay argagixiso la baadi-goobayo, ayaa 18-kii June lagu dilay Surrey, oo ah xaafad ku taalla duleedka Vancouver, oo hoy u ah bulsho ballaaran oo Sikh ah.

    Canada waa dalka ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Sikh ah ee caalamka ka baxsan India.

    Nijjar ayaa u ololeeyey in la sameeyo dal madax-banaan oo Sikh ah, oo laga abuurayo qaybo ka mid ah waqooyiga India iyo xitaa qayb ka mid ah Pakistan.

    New Delhi ayaa ku eedeysay Nijjar inuu weeraro argagixiso ka fuliyey India, eedeyntaas oo uu beeniyey.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.