Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump iyo Qoyskiisa oo lagu riday Xukun dhabarjab ku ah Ganacsigooda iyo hankooda Siyaasadeed
    Somalia

    Trump iyo Qoyskiisa oo lagu riday Xukun dhabarjab ku ah Ganacsigooda iyo hankooda Siyaasadeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Trump iyo Wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York.

    Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James.

    James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixiyeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaanadaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda.

    Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsooraha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump siinaya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah.

    James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doonaysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yahay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaaliyaha guud.

    Ka sokow inuu ku helay Trump iyo labadiisa wiil inay qiyaano sameeyeen, garsooraha ayaa baabi’iyey shatiyada ganacsi ee u ogolaanayey Trump Organization inuu maamulo qaar ka mid ah dhismooyinka uu ku leeyahay New York.

    James ayaa dalbaneysa $250 milyan oo ganaax ah, iyo in Trump iyo wiilashiisa laga xayuubiyo maamulka hantida qoyska ee Trump Organization.

    James ayaa sheegeysa in Trump iyo asxaabtiisu ay u gudbiyeen xisaab “si weyn loo buun-buuniyey” bankiyada iyo caymiyeyaasha sannad kasta intii u dhaxaysay 2011 iyo 2021 “si ay u helaan una sii joogteeyaan daymo iyo caymis qiimo jaban.”

    Waxay sida la tuhunsan tahay inay sare u qaadeen qiimaga guud ee hantida Trump oo ay ku dareen balaayiin dollar, taasi oo dhalisay “boqolaal milyan oo dollar oo si khaldan loo dhigtay iyo faa’iidooyon.”

    James ayaa tuhunsan in ka badbadinta qiimaha hantida Trump ay aheyd inta u dhaxeysa $1.9 bilyan iyo $3.6 bilyan sannadkiiba.

    Trump oo ah musharaxa ugu cad-cad xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa ku tilmaamay kiiska “ugaarsi shaqsi ah”, isagoo ku tilmaamay James, oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ahna Madow, inay tahay “cunsuri”.

    Kooxda Trump ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.