Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kalfadhiga 53-Aad Ee Golaha Wakiilada Puntland oo si habsami leh usocda
    Somalia

    Kalfadhiga 53-Aad Ee Golaha Wakiilada Puntland oo si habsami leh usocda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, October 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.

    Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta aheyd maalintii 3aad.

    Waxaa Golaha warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah;

    1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    2. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku tageen Hay’adaha Dawladda dhammaan Gobollada dalka.

    Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kaas oo lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Follow Puntland Parliament on Telegram: https://t.me/parliamentofpl

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.