Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha Ee SERP oo la daah furay
    Somalia

    Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha Ee SERP oo la daah furay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 1, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Nofeembar 1, 2023 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Cabdirisaaq Maxamed – Handal, ayaa ka qeyb galay munaasabad maanta lagu daah furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee SERP.

    Mashruuca SERP, oo ay iska kaashanayaan Bangiga Adduunka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka faa’iideysan doona Wasaaraddo kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed sida: Wasaaradda Maaliyadda oo ah hormuud-ka ka faa’iidaystayaasha mashruuca iyo sidoo kale Wasaaraddaha kala ah: Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Caafimaadka.

    Mashruuca SERP waxa uu taageeri doonaa meelaha muhiimka ah ee kor u qaadaya dhaqaalaha dalka. Waxa uu diiradda saarayaa tayeynta maamulka maaliyadda dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxa uu sidoo kale kor u qaadi doonaa abaabulka iyo horumarinta dakhliga gudaha, xoojinta maamulka waaxyaha kala duwan ee dowladda, iyo isku dhafka hababka maamulka.

    Daah-furka mashruuca SERP waxaa xigi doona shir farsamo oo heerkiisu sareeyo oo lagu wado in uu qabsoomo isbuuca soo socda waxaana lagu falanqeyn doonaa sidii uu u qabsoomi lahaa mashruuca iyo saameynta uu ku yeelan doono guud ahaan Soomaaliya.

    Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubaland waxa ay ku rajo weyntahay in mashruucan uu noqdo mid hufan oo miro dhal ah, kaas oo ballan qaadaya in uu isbadal wanaagsan ku samayn doono maamulka kheyraadka dadweynaha ee Soomaaliya.

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

    Facebook: https://www.facebook.com/mofjubaland
    Twitter: https://twitter.com/mofjubaland
    http://Jubbalandmof.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.