Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA OO FURAY BANDHIGGA BUUGTA EE NUGAAL.
    Somalia

    MADAXWEYNAHA OO FURAY BANDHIGGA BUUGTA EE NUGAAL.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 1, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 01,November, 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, Kaasi oo ay sanadka kasoo qeybgaleen qoreyaal iyo aqoonyahan isaga yimi dalka iyo dibeddiisa. Bandhigga oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhallinyaro hal abuurkooda soo bandhigayo iyo xarumo ganacsi oo muujinaya horumarkooda.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay bandhigga buugta Nugaal iyo hal abuurka dhallinyarada ka qeybgalaya, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dowladda Puntland ay Garoowe ka dhisayso xarun Cilmi Baaris iyo Maktabad taasi oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday hal abuurka lagu soo bandhigay Munaasabadda , isagoo dhiirigeliyay dhallinyaro hal abuur farsamo soo bandhigay oo uu ku jiro wiil Diyaarad sameeyay. Wuxuu muujiyey in ay Dowladdu garab istaag u sameynayso wixii suuragal ah dhallinyarada dadaalaysa.

    -DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.