Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday kulanka Baarlamaanka Puntland?
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday kulanka Baarlamaanka Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, November 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto.

    Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud.

    Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii EEBBE idmo.

    DHAMMAAD

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

    E-mail: info@puntlandparliament.com

    Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl

    Twitter:
    Tweets by Parliamentofpl

    Instagram: https://instagram.com/Parliamentofpl

    Telegram: https://t.me/parliamentofpl

    Website: http://puntlandparliament.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.